best broker forex forex capital market forex charts free forex free chart forex free charts forex managed trading free forex software free forex charts free forex chart commodity forex online trading day trade forex easy forex com fx trading forex learn to trade the forex future forex trading automatic forex trading free forex trading course free forex training forex trading system software forex trading review forex trade system forex software system trading forex fx trading forex future trading forex free training forex foreign currency forex exchange rates forex demo account forex capital markets foreign currency forex day trading forex currency broker currency forex forex charting software forex currency broker forex foreign currency trading forex mini account forex online option trading forex online trade forex signal software forex signals free forex trade online forex trading hours forex trading tips free forex signals automated forex system online forex trade free signals forex currency foreign forex trading currency day forex trading genuine online trading forex
Home
 
Welcome to the Frontpage
Somaliland PDF Print E-mail
Written by Said Moumin   
Saturday, 07 July 2007 09:54

Loolanka Ururka Siyaasada Somaliland oo u jeestay Dhinaca Boorama

Boorama (Jam)- Wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha isbahaysiga siyaasadeed ee ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo ay weheliyaan masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee ASAD. ayaa booqasho ku tegay Boorama Weftiga isbahaysiga ASAD oo ay ka mid yihiin labada guddoomiye ku xigeen ee Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Fu’aad Aadan Cadde, waxa si balaadhan ugu soo dhoweeyay magaalada Boorama taageerayaasha isbahaysiga ASAD oo aad u tiro badnaa. Weftiga ASAD waxa qado sharaf loogu sii talo galay loogu sameeyay hudheelka Xidigaha ee magaalada Boorama ka dib waxa la dejiyey guri khaas ah oo loo sii goglay hogaamiyayaasha isbahaysiga ASAD waxa ay isla shalay galinkii dambe kulan saacado badan qaatay la yeesheen taageerayaashooda degen Boorama waxaanay ugu warameen yoolka siyaasadeed ee isbahaysiga ASAD iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee maanta dalku marayo. Isla markaana waxa ay hogaamiyayaasha ASAD talooyin iyo warbixin ka dhagaysteen qaar ka mid ah taageerayaasha isbahaysigooda ee Boorama waxaana laysla qaadaa dhigay sidii loo hirgalin lahaa istiraatiijiyada siyaasadeed ee isbahaysiga gobol ahaan iyo guud ahaanba dalka. Waxa kale ooay madaxda isbahaysiga ASAD la kulmeen badhasaabka gobolka Awdal Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) iyo taliyaha qaybta Booliska gobolka Maxamed Cabdule Xasan waxaanay u balan qaadeen masuuliyiinta gobolka in isbahaysigoodu kala qayb qaadan doono ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada gobolka. Weftiga isbahaysiga ASAD shaaca kamay qaadin ujeedada socdaalkoodan ay ku tageen Boorama, waxase la saadaaliyey in uu ku saabsan yahay olole dhinaca siyaasada ah oo ay doonayaan in ay ku kasbadaan taageerada dadka gobolka Awdal waxaana la sheegay in muddada ay Boorama joogaan ay la kulmi doonaan qaybo ka mid ah bulshada gobolka Awdal. Isbahaysiga ASAD waxa aas-aaskiisa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa todobaadkii hore, waxana ku bahoobay dhawr urur oo ka mid ah ururada mucaaradka Somaliland ee aan isdiiwaan gelin ka qayb galka tartanka doorashooyinka axsaabta ee la filayo in ay dhawaan ka dhacaan dalka. Dhinaca kale waxa habeen hore Isniintii magaalada Boorama gaadhay wefti ka socda ururka UCID oo ka mid ah ururuada siyaasadeed ee isku diiwaan galiyey tartanka doorashada. Weftigaas UCID oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka ururkaas axmed Cabdi Siciid waxa la sheegay in ay Boorama u tageen furitaanka xafiis ururkooda ku yeelan lahaa magaalada Boorama oo la filayo in ay maanta furaan, waxa hore Boorama xafiisyo ugu furtay ururada UDUB iyo UMAD oo ka mid ah ururada isdiiwaangeliyey iyo Ugbaad iyo dadka oo ka mid ah isbahaysiga ASAD.

Last Updated on Monday, 22 June 2009 19:19
 
Siyaasada Somaliland ma nabar hoosta ka qoyan oo dusha laga dhayayo baa? PDF Print E-mail
Written by Said Moumin   
Saturday, 07 July 2007 09:54

Su’aalahan waxa qaba akhristayaasha shebakadaha Awdal. Wadanka wali waxa si hoos ahaaneed uga socda dhul kala boobkii qabiil, ood isku riixidii iyo is muquunin la isku dayayo in qolaba qolada kale bada ku darto. Dadka Somaliland dega waxay u muuqataa inayna weli u bislayn wada noolaansho buuxa oo qof walba ogaado wuxuu u baahan yahay. Arintan waxa cabiray aqoonyahan kasoo jeeda gobolka Awdal oo ah raga tageersan wada noolaansho iyo horumar ka hir gala jihada Waqooyi.

Last Updated on Monday, 22 June 2009 20:34
 
Cunaqabatayda Dhaqaale ee Saaran Gobolka Awdal PDF Print E-mail
Written by Said Moumin   
Wednesday, 20 August 2008 10:11

Cunaqabatanyda dhaqaale ee saaran ee Awdal ayaa si aan xishood lahayn usoo shaac baxaysa. Waxa laga mabnuucay umada in ay noolaadaan ayaa la odhan karaa; Ayaase awooda leh ay wax ku mabnuuci karayaan? Kastanka Saylac ayaa u fadhiya dawlada Dahir Rayale?

Mayorka Saylac - Cawad,  iyo ku xigeenkiisa Muumin waa in ay jawaab cad ka bixiyaan waxa ka socda kastanka Saylac. Ma sharci ay iyagu wataan ayaa meesha ka socda mise dawlada lafteeda ayaa gobolka Awdal gumaysi ku haysa? qarinigii 21 naad ayaa la marayaa cid cid gumaysan kartaa ma jirto. Wali shicibka reer Awdal waxay dhawrayaan midnimada Somaliland haddiise laga adyn waaye dhibkan lagu hayo umada waxa imanaysa in laga dhiidhiyo sida uu Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye sheegay.

“Waxaad moodaa in la’isku hub urursanaayo ee runtii la rabin wada noolaansho iyo horumar ka hirgala Somaliland taasina waxa laga yaabaa in ay keentay ictiraaf la’aanta Somaliland” dhawaaqaasi wuxuu kasoo yeedhay waxgarad ka mid ah aqoonyahanada galbeedka Somaliland oo jooga Borama.  ”source-kan” ama xubintan xogogaalka ah ayaa noo cadeeyey in Somaliland dhinac walba ay khatar badani kusoo  socoto haddii aan laga foojignaan.

Last Updated on Monday, 22 June 2009 20:13
 
Siyaasada Guud ee Galbeedka Somaliland PDF Print E-mail
Written by Said Moumin   
Saturday, 07 July 2007 09:54

Siyaasada gadabursiga ayaa sii cakirmaysa oo aad moodaa in maanta maalin ay ka xun tahay wali ayna soo marin. Marka dhab loo eego dadku waxay si guud u raadinayaan horumar iyo nabad waarta hadana waxay  si gaar ah u kala raadinayaa ayaad moodaa sidii midba midka kale uu u dhaafi lahaa oo aan wanaag uun ku salysnayn laakiin dhinac walba leh. Waase la sugayaa kii xaqdaradan shaadhka Dawladnimo huwan umada ka dulqaadi lahaa.

Last Updated on Monday, 22 June 2009 20:34
Read more...
 
Golaha wakiilada Somaliland oo maanta ansixiyey xeerka siyaasada miinada dalka PDF Print E-mail
Written by Said Moumin   
Saturday, 07 July 2007 09:54

Hargaysa (DjiboutiCentre.com)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod-aqlabiyad ah ku axsixiyey xeerka siyaasadda Miinada, kaas oo mudanayaashu hore uga soo dodeen.

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu mudaneyaasha ku war-geliyey inay guda-gelayaan ansixinta xeerka siiyaasada miinada, oo doodiisu dhamaatay.

Waxaana madasha fadhiga Golaha ku sugnaa 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay, waxaana isla markiiba la guda-galay ansixinta xeerka, iyada oo cod gacan-taag ah loo qaaday.

 Waxaana ogolaaday 37 Mudane,halka 2 ka diideen, 5 Mudane oo kalena ka aamuseen, Gudoomiyhuna aanu ka codayn. Halkaas ayuu ku ansaxay xeerka siyaasada Miinadu.

Waxaana Golaha wakiiladu u gudbinayaan Guurtida, oo iyaguna dib-u-eegis iyo ka doodis kale ka yeelanaya, haddii iyaguna isku raacaan oo ay ansixiyaan, waxaa loo sii gudbinayaa Madaxweyna, oo isugu ah marxalka ugu dambeeya ee saxeexaya, si xeerku u dhaqan-galo

Last Updated on Monday, 22 June 2009 20:33
 
«StartPrev12NextEnd»

Page 1 of 2
Banner
Copyright © 2010 Somaliland News. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.
 

Polls

Which district of Somaliland are you born?
 

Who's Online

We have 1 guest online

Advertisement

Featured Links:
Somaliland!
Somaliland! The most popular and widely used Open Somaliland News International in the world.
Somaliland Rule
Somaliland Rule, development and distribution made easy.
Somaliland! Extensions
Somaliland! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Somaliland! Shop
For all your Somaliland! merchandise.