| AXmad Muxumad Good [Shimbir] » |
Welcome to DjiboutiCentre.com!
Link: http://www.youtube.com/watch?v=PZpZueiFcx4
Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan![]()
Wajiyaal
wajiyaal is xasuusta
indha aan kala waarin
laba aan isba waayin
laba aan kala weecan
wadnayaal is jeclaada
wadku daayo oo raaga
oon wadeeco astaynin
oo wadaga xanaano
inagay isku wacnaynee
maxaad iiga wareegtay
walbahaarka jacaylka
sida wayraxa geelu
ilmaha uugu wareegaan
kuugu weehanayaaye
haddi aad wakinayso
ood ka wiiqantay dhuuxa
wadhi caashaq ku raacday
wadka maan ka dhigeene
inagay isku wacnaynee
maxaad iiga wareegtay
Feedback awaiting moderation
This post has 4 feedbacks awaiting moderation...