| « Saynab Cigge | Cumar Dhuule » |
Xaliima Khaliif Magool
Link: http://www.youtube.com/watch?v=Zh0on_YYe6Y
Ma salguuro caashaqee
ani sibiq ma igu galay
Intuu samada ila tageey
saxar-qaadka fooraha
dul sabee ma igu yidhi
dhalanteed ma igu sabay
soojeede maqanoon
seexaneeyn ma iga dhigay
Ma salguuro caashaqee
ani sahal ma igu helay
sambabadiyo feedhaha
intuu surima kala baxay
maku soofay xididada
seediyo lafahiyo
wadnihii ma sarayoo
halistii ma sudhan yahay
Ma salguuro caashaquye
ani sidiq ma ii dhigay
Intuu soortii iga jaray
suun adag ma igu xidhay
ma isaaray heegada
wax sanceeya mawloo
saakay maygu wayn yahay
suxuladaa ma ii dhigay
Feedback awaiting moderation
This post has 9 feedbacks awaiting moderation...